Juventus iyo Vallencia oo Afka Ciida Loo Daray – Kulamaddii Caawa ee Europa League

Benfica 2-1 Juventus

Benfica win over juve

Laba gool oo ay u kala dhaliyeen Ezequiel Garay iyo Lima ayaa u horseeday kooxda Benfica inay talaabo muhiim ah hore ugu ruqaansato kadib markii ay caawa 2-1 kaga adkaatay kooxda Talyaaniga ah ee Juventus, ciyaar horyaalka labaad ee ugu xiisaha Badan Yurub ee Europa League ka tirsan oo labada naadi ku dhex martay garoonka kooxda Benfica.

Kooxda lagu naanayso Habarta weyn ee Juve ayuu gool barbar dhac ka dhigay kii uu ka dhaliyey Ezequiel Garay u dhaliyey weeraryahankeeda Carlos Tevez, laakiin daqiiqadihii u dambeeyey ayaa Lima uu Benfica rajo galliyey xaaladana ku xumeeyey Juventus oo gurigeeda lagu ciyaari doono kulanka is araga labaad ee labada kooxood todobaadka dambe.

 

Sevilla 2-0 Valencia

Europa League  Valencia beaten by Sevilla

Dhinaca kale , kulankii kale ee xiisaha lahaa ee dhex marayay labada kooxood ee kamid ah Afarta isugu soo hadhay Semi finel ka horyaalka Europa League ee Sevilla iyo Valencia ayaa ku dhamaaday Natiijo ay adag tahay siday uga soo kabato Valencia kadib markii guushu ku raacday Sevilla 2-0.

In the night’s other last four clash, it was all-Spanish affair as Sevilla defeated Valencia 2-0 to take a commanding lead into the second leg.
Laba gool oo qaybtii hore ee ciyaarta ay u kala dhaliyeen ciyaaryahanada Stéphane M’Bia iyo C. Bacca ayaa u horseeday innamada uu hogaamiye Tababare Unai Emery inay u muuqdaan kuwo gallin horeba shaqo fiican sii qabsaday isla markaana isu diyaariyey booska Finel ka ee horyaalka Labaad ee Qaarada Yurub.
Valencia ayay ku adkaan doontaa siday isaga soo baddi lahayd goolasha 2-0 ka ah ee ay kala caraabeen Estadio Ramón Sánchez Pizjuán ee magaalada Sevilla , ciyaarta is araga labaad ee la booqanayo garoonkooda todobaadka dambe.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Barcelona Oo Ozil Ku Doonaysa £30m – Xogo Spain Ka Soo Baxay Oo Xaqiijiyey

Scolari: Waxa Noo Wanaagsan Chelsea Oo Laga Reebo Champions League

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com