Juventus Oo Ku Sii Istaagtay Kooxdii Awalba Liic-liicaysay ee Milan

Naadiga Juventus ayaa ku sii istaagay kooxdii awalba xaalkeedu iska bariga dhexe ahaa ee Ac Milan kadib markii ay 3-1 kaga adkaateen ciyaar horyaalka Seria A ka tirsan oo labada kooxood isku haleeleen.

Ciyaartan u dhexaysay labada kooxood ee awooda badan horena isugu haystay cadaynta kooda awooda saraysa leh ayaa natiijadii ka soo baxday markhaati cad u noqotay heerka ay maanta kala taagan yihiin Milan iyo Juve, murankiina aad moodaa inuu soo af yaraaday.

Gool uu daqiiqadii 14 aad ee ciyaarta shabaqa ku ruxay weeraryahanka reer Argentina ee Carlos Tevez ayaa Juventus ay hogaanka ciyaarta kula wareegtay ka hor intii aanu goolka barbaraha ciyaarta ku soo celiyey Milan u dhalinin L. Antonelli daqiiqadii 28 aad ee ciyaarta.

Balse ciyaaryahan Leonardo Bonucci ayaa markale hogaanka ku celiyey Juventus isla qaybtii hore ciyaarta kaas oo noqday kii lagu kala nastay.

Qaybtii dambena Juventus ayaa kii saddexaad la timid oo uu u dhaliyey Alvaro Morata , waxaanay kooxda tababare Filippo Inzaghi ku quusatay goolkaas saddexaad oo guushana u horseeday naadiga tababare Massimiliano Allegri.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Everton iyo Liverpool oo is mari waayay

Atletico Oo Ka Ilheshay Real Iyo Wacdarihii Vicent Caldron

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com