Juventus Oo Madaxa La Gashay Lyon, Porto iyo Sevilla Oo Kulmaya – Qori Tuurka Europa League Oo Dhamaystiran

Isku Aadka Horyaalka Yuruba LeagueJuventus iyo Olympique Lyonnais ayaa afka is dari doonaa , kulan loo tiriyey inuu yahay kan ugu adag ee jadwalka isku aadka rubuc dhamaadka horyaalka Europa League ee la soo saaray Maanta.

Kooxda horyaalka Talyaaniga ee Serie A difaacanaysa  ayaa laga sugayaa inay cadkeeda goosato ka hor intaan gurigeeda la isla tagin , maadaama kulanka hore  labada kooxood ku kulmayaan guriga naadiga Faransiiska ah.

Dhinaca kale, naadiga la joojin la; yahay ee Hollandiiska ah AZ  ayaa ka calaf  qaadi doonta kooxda Portugal ee Benfica,  hirdanka labada kooxood oo ka bilaabmi doona garoonka kooxda reer Holland.

Naadiga difaacanaya horyaalnimada Portuqiiska eePorto ayaa nasiibku gadhka u galliyey kooxda Spanishka ah ee Sevilla, haalka kooxda Basel ku dhacday Valencia isku aadka horyaalka labaad ee naadiyada Yurub ee Europa Laugue.

Ciyaarahan ayaa  is aragooda koobaad la ciyaari doonaa bisha fooda inagu soo haysa ee  April 3, halka is araga labaadna uu qorshaysan yahay inay naadiyadu wada ciyaaraan  April 10.

Qori tuurka kulamada Semi Finel-ka ah ee horyaalka Europa Leugue ayaa qabsoomi doona bisha April 11 keeda,  iyadoo ciyaarta gunaanadka ahina ka dhici doonto garoonka kooxda  Juventus bisha May 14 keeda.

QUARTER-FINAL DRAW
AZ VS BENFICA
OLYMPIQUE LYONNAIS VS JUVENTUS
 BASEL VS VALENCIA
PORTO VS SEVILLA