Juventus Oo Qarka U Saaran Helida Oscar Iyo Dzeko

Sida uu qoray wargeyska Talyaaniga ka soo baxa ee tuttosport, kooxda hogaanka horyaalka Seria A xooga ku haysata ee Juventus ayaa qarka u saaran inay xirfad iyo xeelad kasta ku soo xero galliso, xidiga qaranka Brazil iyo naadiga Chelsea Oscar.

Xogaha u hellay wargeyska aanu soo xiganay ee tuttosport ayaa xaqiijinaya in Juve mar hore ka faraxalatay hubinta iyo la socoshada xaalada ciyaaryahanka ee joogistiisa Chelsea.

Jariiradu ma xusin qiimaha ay ku doonayso Juventus, wuxuuse hoosta ka xariiqay in baahida ku qasbaysaa tahay sidii ay u xoojin lahayd khadkeeda dhexe.edin dzeko

Sidoo kale, warbaahinta wadanka Ingiriiska ayaa xaqiijisay in Juventus sidaas si lamid ah ay u diyaarisay miiskana saartay lacag dhan €20 million (£15m) oo ay ku rabto laacibka weerarka uga ciyaara naadiga Manchester City ee Edin Dzeko.

Wararku waxay intaas ku darayaan , in laacibkan 29 jirka ahi uu safka hore kaga jiro ciyaaryahanada ay Juventus doonayso inay xagaagan la soo wareegto.

_____________________________________________________________

Sideed U Aragtaa In Chelsea Fasaxdo Oscar

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
5/5 - 1
You need login to vote.

Waalli-cas: Iniesta Oo La Barbar dhigay Geed

Klaas Jan Huntelaar Oo Guuldaro Kala Baxsaday Netherlands

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com