Juventus Oo u Gudubtay Finalka Italian Cup

Kooxda kubadda cagta ee Juventus ayaa 3-0 ku karbaashtay Fiorentina waxaanay sidaas igu diyaarisay in ay ciyaarto kulanka kama dambaysta ah ee koobka Italian Cup.

Ciyaar aad u xiiso badnayd oo labada kooxood ku dhex martay garoonka Fiorentina ayaa waxa si weyn ugu gacan sarraysay Juventus taas oo guul taariikhi ah kala hoyatay.

Ciyaartan oo ahayd lugtii labaad ee labada kooxood isku haleeleen ayaa waxa ay ku dhamaatay 3-0, iyadoo lugtii horena ay ku kala baxeen 2-1 ay ku badisay Fiorentina, waxaanay sidaas natiijadu ku noqotay 4-2 ay guushu ku raacday Juventus.

Daqiiqaddii 21aad ee qaybta hore ayay Juventus goolka furitaanka heshay kaas oo uu u dhaliyey laacibka Alessandro Matri, hase yeeshee goolka labaad ayaa isna yimid daqiiqaddii 44aad ee isla qaybta hore kadib markii uu Roberto Pereyra ka faa’iidaystay kubbad uu goolka ku laaday Moratta oo dib u soo noqotay.

Qaybta dambe ayay Juventus raacisay goolka 3aad kaas oo uu u dhaliyey Leonardo Bonucci.

 

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Luis Enrique Oo Beeniyey In Uu Saluugay Neymar

Ancelotti Oo Shaaciyey In James Iyo Isco Ay Wada Ciyaari Doonaan Iyo Bale Oo Fadhiyi Doona

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com