Higuain Gool Uu Dhaliyey Oo Juventus Ku Garaacday Roma

Gonzalo Higuain ayaa mar kale badbaadiyey kooxda Juventus, kadib markii goo;l qurux badan oo uu shabaqa ku shubay ay kooxdiisu 1-0 ku khaarajisay AS Roma kuna sii xejisatay hogaaminta horyaalka Seria A, iyo todoba dhibcood oo nadiif ah.

Weeraryahanka xulka Argentine goolkiisii 10aad ee xili ciyaareedka, iyo kiisii saddexaad ee labadii ciyaarood ee u dambeeyey ayaa u saamaxay Juve inay ku gaadho guuhii 25 aad ee xidhiidh ah oo ay garoonkeeda ku badiso horyaalka, kuna sii adkaysato durdurada ay ku damacsan tahay inay ku qaado horyaalkii lixaad oo xidhiidh ah.

 

Roma, waxay dagaal ba’an u gashay sidii ay isaga soo badi lahayd, kadib markii daqiiqadii 14 aad uu Higuain ka xareeyey, waxaanay la wareegtay gacan ku haynta ciyaarta, laakiin umay suurto gallin weeraradii badnaa ee ay ku ekaysay goolka Juventus, inay wax natiijo ah ka keento.

Iyadoo hal kulan oo kali ahi ka dhiman yahay fasaxii gaabnaa ee ciida gaalada, Juventus waxay leedahay 42 dhibcood oo ay ku urursatay 17 ciyaarood, waxaana ku soo xigta Roma oo leh 35 dhibcood, iyo Ac Milan oo saddexaad ku joogta 33 dhibcood.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.
LIVE - West Brom v Manchester United

Ibrahimovic Oo Dhulka La Dhacay West Brom – United-na Guul Ku Hogaamiyey

Isticmaalka Muuqaalada Ku Celiska Ah, Waxa Laga Dhaxlay Natiijo Toggan: Gudoomiyaha Fifa Gianni Infantino

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com