Juventus vs Tottenham: Dybala, Cuadrado, Baragli, Matuidi, Aderweireld iyo Xiddigaha Kale Ee Dhaawacyada Ku Maqan Caawa

Difaacyahanka kooxda Tottenham ee Toby Alderweireld ayaa laga reebay ciyaaryahannada kooxdiisa ee u safray magaalada Turin ee waddanka Talyaaniga halkaas oo ay caawa ku sugayso kulan adag oo ay iskaga hor iman doonaan Juventus lugta koowaad ee wareegga 16-ka ee tartanka Champions League.

Alderweireld  oo ciyaartii Sabtidii ay kooxdiisu guusha ka gaadhay Arsenal ka qaday ayaa mar kale u jiifaya dhaawac muruqa ah, kaas aan u saamaxaynin inuu kulankan muhiimka ah difaaco naadigiisa.

Tottenham kama maqnaanayo Alderweireld  oo kali ah, waxaase dhaawaca ku wehelinaya labada ciyaartoy ee Juan Foyth iyo Kyle Walker-Peters oo iyaguna dhaawacan.

Dhinaca kale Juventus ayaa ay ka maqan yihiin ciyaaryahanno muhiim ah, kuwaas oo kala ah Paulo Dybala, Juan Cuadrado, Andrea Barzagli iyo Blaise Matuidi.

Labadan kooxood ayaa midkooda soo badiya waxa uu iska xaadirin doonaa wareegga siddeed dhamaadka ama quarter finalka, halkaas oo ay geli doonto rajo hor leh oo ah inuu finalka tago.


 


Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.