Tevez Oo La Baxsaday Bianconeri

Carlos Tevez ayaa ahaa geesiga ciyaarta kadib markii gool uu qaybtii hore ee ciyaarta dhaliyey ugu horseeday kooxdiisa Juventus inay ku macasalaamayso Genoa 1-0 kulankii Axada ee horyaalka Seria A.

Laacibka reer Argentina, oo ahaa dhaliyihii labada gool ee naadiga Talyaaniga ahi ku derdertay kooxda Borussia Dortmund kagana reebtay Champions League todobaadkii ina dhaafay, ayaa sii laban laabay dedaalkiisa , gool uu kaligii ka shaqeeyeyna daqiiqadii 25 aad shabaqa ku shubay.

Wacdaraha weeraryahanka hore uga tirsanaan jiray kooxda Manchester City manoqon mid sidaas ku istaagta, waxaana qaybtii labaad laga qabtay rigoodhe loo dhigay oo uu laagay, laakiin luminta kubadaas waxaa lagu ilaabayaa, guushii saddexaad ee xidhiidh ah horyaalka iyo 17 ka dhibcood ee nadiifta ah ee ay ku hayso hogaanka Seria A.

Roma, oo imika xaaladu ku xun tahay ciyaarihii u dambeeyeyna mushkilad ka bixi wayday oo fadhida kaalinta labaad, ayaa laga yabaa inay wax ka bedesho faraqaas tirade badan ee lagaga horeeyo marka aynu ogaano natiijada ka soo baxda kulanka maanta ay la leedahay Cesena.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Qiimeynta kubadda cagta aduunka: Horyaalkee ugu wanaagsan caalamka.?

‘Mo Farah Maaha Yurubiyaan Guushiisuna Waa Mid Uu Ka Gaadhay Somalia’

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com