6:37 pm - Monday August 21, 2017

Ka hor kulanka Everton vs Man United: Maanta oo kale Maxaa Man. United ku soo qabsaday gegada Goodison Park ?

Khadar Dirir

 

Maanta oo kale 20-kii Abriil 2005-tii kooxda Man United ayaa waxay guuldaro xanuun badan ka soo gaadhay  kooxda Everton maray booqasho ku tagtay gegada Goodison Park oo ay ku ciyaarto kooxda Everton.

Kooxda Everton oo waqtigaas lagu ciyaarayay gurigooda ayaa 1-0 ku dubtay kooxda Man United, iyadoo goolkaas ka heshay Ferguson daqiiqadii 55-aad ee qeybtii dambe ee ciyaarta goolkaas ayaan kooxda United jooga ka riday.

Kulankaas ayaa waxaa kooxda Mnchester United kaadhka cas ka qaatay ciyaartooydeeda kala ah Gary Neville iyo Paul Scholes daqiiqadihii 72-aad iyo 90-aad ee qeybtii dambe.

Dhacdaan ayaa ku soo aadeysa xilli caawa David Moyes oo markiisii ugu horeysay uu booqan doono garoonka Goodison Park tan iyo markii uu ka soo tagay kooxdiisii hore ee Everton.

Wax yaabaha ciyaartaan xiisaha u yeeli doono ayaa waxaa ka mid ah kooxda Everton oo gurideeda lagu ciyaarayo maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 20-ka Apriil 2014 maadaama maanta oo kale sannadkii 2005-tii ay kooxda Everton dhulka ku dartay Man United.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.
Filed in

Mourinho Oo Si Xishood Ku Jiro Uga Hadlay Guuldaradii Sunderland

Liverpool oo Hogaanka sii adkaystay, Xilli ay dhaanto la tumatay dhiggeeda Norwich City 

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: