Inkabadan 1000 ciyaartoy oo Ruush ah ayaa ka faa’iidaysatay oo isticmaalay dawooyinka awoodda jidhka kordhiya oo mamnuuc ah oo ay dawladoodu gacan ka siisay.

Arrintaas ayaa soo billaabatay 2011, waxayna socotay muddo afar sano ah, sida ay sheegtay warbixin cusub.

Qaybta ugu dambaysa ee warbixinta McLaren ayaa lagu sheegay in arrintan ay ku lug lahaayeen afar ciyaartooy oo billado ku guulaystay intii ay socdeen tartankii Sochi ee 2014 iyo shan kale oo billado kaga guulaystay tartankii London ee 2012-kii.

Arrintan ayaa faahfaahin ku sii dartay warbixintii la soo saaray bishii todobaad ee sanadkan, iyadoo lagu tilmaamay ” arrin ay dawladdu si rasmi ah uga dambaysay” oo sirdoonka Ruushkuna uu qayb ka ahaa.

Waxay sheegeen in ciyaaryahanadu aanay kaligood ka dambaynin arrintan balse ay qayb ka ahaayeen.

Bare sare Richard McLaren oo warbixintan soo saaray ayna magacawday hay’adda ka hortaga dawooyinka awoodda jidhka kordhiya ee caalamka ayaa sheegay in isticmaalka dawooyinka awoodda jirka kordhiya ay u dhacday heer aan la qiyaasi karin.