Kabtan Gabyaaye Oo Ka Hadlay Sababta Uu Muqdisho U Tegay Iyo Sheekooyinka Beenta Ah Ee Laga Faafiyey

Kabtanka xulka Gobolka Maroodi Jeex ee Somaliland iyo kooxda kubadda cagta ee Goodir, Maxamed Xasan Maxamed (Gabyaaye) ayaa ka hadlay sababtii uu u tegay magaalada Muqdisho bishii hore, waxaanu sheegay in aanu u tegin magaalada Xamar in uu u ciyaaro kooxaha ka dhisan halkaas balse sababo qoyskooda la xidhiidha uu u tegay.gabyaaye 1
Maxamed Gabyaaye waxa uu beeniyey warar laga faafiyey oo sheegayay in uu ku biiray koox ka dhisan horyaalka Somaliya, taas oo uu ku tilmaamay in ay gebi ahaanba been tahay, balse uu safarkiisu ahaa magaalada Nairobi oo markii uu muddo joogay uu booqday adeerkii oo ku xanuunsanaya magaalada Muqdisho. Gabyaaye oo callanka somaliland
Kabtan Gabyaaye oo u warramay wargeyska Geeska Sports oo ay shabakadda www.cadalool.com ka soo xigatay warkan, ayaa waxa uu ammaan ballaadhan u jeediyey wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland oo toddobaadkii hore shaacisay wakhtiga la qaban doono koobka gobollada Somaliland.
Kabtan Gabyaaye waxa kale oo uu amaanay madaxweynaha Somaliland, Axmed Siilaanyo iyo taliyaha ciidamada Booliska oo uu ku tilmaamay in ay ka shaqeeyaan dhiirigelinta ciyaaraha dalka.
“Waxa aan raali-gelin ka bixinayaa aniga oo ah ciyaaryahan reer Somaliland ah, una dhashay Hargeysa in si khaldan loo turjumay safarka aan ku tegay Xamar oo waliba dhallinyarada tahriibaysa lay barbar-dhigay.” Sidaas ayuu yidhi kabtan Gabyaaye.gabyaaye koobka gobolada
Gabyaaye oo hadalkiisa sii wata waxa kale oo uu yidhi: “Waxa aan Xamar u tegay arrimo qoys, ujeedadayduna may ahayn in aan ka soo ciyaaro. Markii hore hawl ayaa igaga xidhnayd Kenya balse adeerkay oo xanuunsanaya ayaan Xamar ugu tegay. Laba toddobaad markii aan Kenya joogay ayaan Xamar u tegay adeerkay oo xanuunsanaya, kadib waxa aanu isku aragnay wiil aanu Yemen isku naqaanay oo aanu kubadda ku wada ciyaari jirnay. Waxa uu igu yidhi inta aad joogto noo ciyaar, mushaharna qaado, wax heshiis ahna ma galaysid, marka aad baxaysana wax shuruud ah oo lagugu xidhayaa ma jirto” ayuu yidhi Gabyaaye.
Khabiirkan difaaca ugu wanaagsan Hargeysa, waxa uu sheegay in safarkiisa si khaldan loo turjumay, lagana dhigay nin heshiis la galay koox ka dhisan magaalada Muqdisho.
Waxa uu xusay in inkasta oo warkaasi aanu sax ahayn uu haddana raaligelin ka bixinayo, cafisna uu weydiisanayo madaxweynaha Somaliland md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo). Sidoo kale waxa uu aamaanay taliyaha ciidamada booliska Md. Fadal

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
5/5 - 1
You need login to vote.

Simeone: Anigaa Lahaa Khaladka Guul Darrada, Hala daayo Torres

Manchester United Oo Ka Gudubtay Preston Rubuc Dhamaadka FA Cup kana Ku Beegan Arsenal

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com