Kaddib Diidmadii Lambarkii Ronaldo Ee No.7, Marco Asensio Oo Shaaciyey Inuu Doonayo Inuu Iska Beddelo No.20 – Muxuu Doonayaa Inuu Xidho?

Xiddiga da’da yar ee kooxda Real Madrid, Marco Asensio ayaa shaaciyey in aanu doonayn inuu xirfaddiisa ku dhamaysto isaga oo xidhan funaanada No. 20.

Asensio ayaa Real Madrid u xidha lambarka 20, waxaana sidoo kale uu xulka qaranka Spain u xidhay isla lambarkaas, hase yeeshee mar la weydiiyey inuu doonayo in cimrigiisa oo dhan uu xidhnaano, ayaa waxa uu sheegay in aanu qorshaynayn inuu dhamaysto waayaha ciyaareed isagoo lambarkaas oo kaliya xidhan.

“Ma doonayo inaan xirfaddayda ku dhamaysto lambarka 20, laakiin waxa aan la sugayaa fursad, waanaynu arki doonaa siday wax noqdaan.” Sidaas ayuu yidhi Asensio oo la waydiiyey inuu noloshiisa oo dhan xidhnaan doono funaanada lambarka 20 iyo in kale.

Asensio oo la waydiiyey in bixitaankii Cristiano Ronaldo ee Real Madrid uu beddelay hadafkiisii iyo fursadihii uu ka filayey Real Madrid, ayaa waxa uu ku jawaabay: “Ronaldo iyo la’aantiiba, waxa aan leeyahay ujeedo isku mid ah oo ah inaan boos ka helo kooxda koowaad, iyo inaan muhiim ahaado. illaa hadda wax walba way wanaagsan yihiin, xili ciyaareedkana si fiican ayaan u bilaabay, sidoo kalena si adag ayaan u shaqeeyey.”

Asensio ayaa dhowaan la sheegay in uu diiday inuu xidho funaanada lambarka 7 oo uu bixiyey Cristiano Ronaldo,  hase yeeshee waxa suurtogal ah inuu sugayo No.10 oo uu Luka Modric la wareegay markii uu Los Blancos ka tegay James Rodriguez.


Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.