Kaka Iyo Ooridiisa Oo Markhaati Ka Ahaa Xidiga Kubada Teniska ee Federer Oo La Baacsanayo

Ciyaaryahanka reer Switzerland ee kubada Tenniska, Roger Federer ayaa laga qaaday koobka the Monte Carlo Masters kadib markii uu guuldaro 4-6, 7-6 (5), 6-2 uu kala kulmay laacibka Stanislas Wawrinka maalintii Axadii.

Laacibka haysta horyaalnimada Koobka Australian Open champion ee Stanislas Wawrinka ayaa u muuqday mid markii saddexaad oo xidhiidh ah lagaga guulaysanayo koobkan Masters oo uu labadii goor ee ugu dambeysayna yimid Finel ka, waxaanu Federer u muuqday mid si dhib yar ku guulaysanaya ilaa intii aan isbedelka degdega ahi ku imanin dhamaadkii wareegii labaad ee ciyaar
ta, markaas oo uu bilaabay Wawrinka inuu khalkhal ku abuuro laacibka 17 jeer ku guulaystay horyaalka kubada Teniska ee Grand Slam champion.Federar oo ka baacsanayoFederer oo la baacsanayo


Federer, ayaa doonayay inuu markii koowaad ku guulaysto koobkan saddex jeer oo hore oo uu ka soo qayb gallayba uu kaga guulaystay xidiga siddeeda jeer qaaday ee Rafael Nadal.

Nadal ayaa sanadihii 2006 ilaa 08 koobkan qaadayay sideed jeer oo la qabtay.

Kaka iyo Xaaskiisa oo daawanaya ciyaar dhex maraysa Federar iyo Stanislas

Arinta xiisaha leh ayaa waxay ahayd in xidiga kooxda Ac Milan iyo xulka qaranka Brazil ee Ricardo Kaka iyo Xaaskiisa Caroline Celico ay daawadayaasha ciyaarta labada laacib ku dhex maraysay magaalada Monte Carlo kamid ahaayeen.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Dhaxal Sugaha Boqortooyada Ingiriiska Oo Ku Dhex Sirkhaamay Garoon Uu Ciyaar Ku Daawanayay

Eden Hazard Oo Raacay Kooxda Chelsea Ee Ka Degtay Madrid Iyo Eto’o Oo London Ku Hadhay (Sawiro)

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com