Kaka Oo Ka Fadhiisanaya Ciyaaraha Kubadda Cagta

Laacibki hore ee adduunka Ricky Kaka ayaa ku dhawaaqay inuu ka tegayo kooxda kubadda cagta Orlando City ee dalkan Maraykanka.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Orlando ee badhtamaha gobolka Florida, ayuu xidigii hore ee kooxda AC Milan ku xaqiijiyay inuu kooxda Orlando ka tegyo marka uu dhamaado xilli ciyaareedkan horyaalka Mareykanka ee loo soo gaabiyo MLS.

Kaka maanu soo hadal qaadin inuu ka fadhiisan doono gabi ahaanba ciyaaraha kubadda cagta, balse wuxuu tilmaamay inuu dareemayo in ay soo dhawaatay wakhtigi uu ka nasan lahaa ciyaaraha.

Laacibkan reer Brazil ayaa waayihiisii ugu wacnaa dhinaca kubadda cagta kusoo qaatay kooxda AC Milan oo uu ka tirsanaa intii u dhaxeysay 2003-2009.

Waxa kale oo uu usoo ciyaaray kooxda Real Madrid ee dalka Spain, ka hor inta aanu ku biirin Orlando City.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Dodgers vs Diamondbacks Game 3 NLDS Highlights

Mulkiilaha PSG Oo Baadhitaan Lagu Bilaabay Iyo Suurtogalnimada In Xabsiga Loo Taxaabo

Related posts
Your comment?
Leave a Reply

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com