Kane Oo Markii 2 aad Oo Xidhiidh Ah Ku Guuleystay Xidiga Bisha Ee Horyaalka Ingiriiska

Ciyaaryahanka Harry Kane ayaa loo doortay xidiga ama laacibkii ugu fiicnaa bishii dhamaatay ee horyaalka wadanka Ingiriiska ee Barclays Premier League , taas oo noqonaysa markii labaad oo xidhiidh ah ee uu abaal marintan hantiyo.
Weeraryahanka naadiga Tottenham ayaa afar gool oo horyaalka ah bisha dhexdeedii dhaliyey, kuwaas oo ay ku jiraan kii uu ka dhaliyey kooxda ay Spurs ficiltamaan isku jihadana ka dhisan yihiin ee Arsenal oo ay woqooyiga magaalada London ka wada dhisan yihiin, iyo kii barbar dhaca ee uu ka dhaliyey kooxda West Ham.
Kane ayaa afar ku noqonaya ciyaaryahanada laba jeer oo is xigta loo caleemo saaray xidiga bisha ee horyaalka Ingiriiska, waxaanu ku biirayaa xidigihii ka horeeyey ee kala ah, Cristiano Ronaldo, Dennis Bergkamp iyo Robbie Fowler.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Guardiola Oo Madaxa Ka Qabsaday Dhaawacyo Haleelay Robben Iyo Ribery

Seria A – Parma Oo 2 Dhibcood Laga Jaray – Sabbab.?

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com