Karim Benzema Oo Ugu Dambayn Ku Biiray Dadka U Hambalyeeyey Xulka Qaranka France

 

Karim Benzema Muddo saddex sannadood ah ayaa ugu dambaysay inuu xidho funaanadda qaranka dalkiisa, taas oo looga saaray fadeexad u dhaxaysay nin ay saaxiibbo yihiin iyo ciyaartoy kale, hase yeeshee taasi kama xakamaynin inuu ciyaaryahannada dalkiisa la qaybsado farxadda guusha Koobka Adduunka.

Weeraryahanka kooxda Real Madrid ee Karim Benzema ayaa hambalyo u diray xulka qaranka France ee ku guuleystay Koobka Adduunka, kuwaas oo 4-2 kaga adkaaday Croatia.

Benzema oo isticmaalaya bartiisa Twitterka ayaa waxa uu soo qoray dhawr erey iyo sawir uu ku muujinayo inuu la dabbaal-degayo, waxaanu yidhi: “Hambalyo. Waxaad tihiin Champion-ka dunida”

Hadalkan kooban ayaa ka dambeeyey sannado ay eedaymo isku jeedinayeen tababaraha xulka dalkaas Didier Deschamps oo ka saaray liiska dalkiisa, isaga oo marmarsiiyo ka dhiganaya kiis fadeexad cajalad laga duubay Mathieu Valbuena ahaa oo sannadkii 2015 dhacay, markaas oo Karim lagu eedeeyey inuu lug ku lahaa qolada cajaladda duubtay.

Ciyaartii ugu dambaysay ee uu xidho funaanada dalkiisa, waxay ahayd October 8,2015, intii ka dambaysayna waxa looga dhaartay inuu soo istaago meel ay xulka qaranku joogaan.