Khaladaad Dhisme Oo Laga Helay Garoonka Ay Dhisatay Atletico Madrid

Arrin aan la jeclaysan ayaa ka soo baxday garoonka cusub ee dhismihiisu dhamaadka yahay ee kooxda kubadda cagta Atletico Madrid oo qorshuhu yahay in xili ciyaareedka dambe bilowgiisa ay u guurto.

Garoonkan oo loo bixiyey Estadio Wanda-Metropolitano, ayaa dawladda Hoose ee magaalada Madrid waxay khaladaad ka heshay macluumaadka dhismihiisa, kaas la sheegay in khaladaad dhaceen markii dhismuhu socday.

Dawladda Hoose ayaa dib u dhigtay inay faylasha garoonka ansixiso, taas oo ay ahayd in gacanta laga saaro masuuliyiinta Atletico 20-kii bishan, laakiin dib loogu dhigay illaa 31-ka December.

Atletico ayaa dhinagaceeda ku qanacsan in arrintani tahay mid siyaasadeed oo fudud, sidaas daraadeedna maalmaha soo socda ay iska xallismi doonto.

Sida ay warbaahinta Spain baahiyeen bishan horraanteedii, Atletico Madrid ayaa masuuliyiinta LaLiga ka dalbatay in labada ciyaarood ee u horreeya ee xili ciyaareedka dambe ee 2017/18 kooxdoodu ku ciyaarto garoomada dibedda, si waxyaabaha xaalxaalka ah ee hadhsan loo dhamaystiro.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Liverpool Oo Gacanta Ku Dhigaysa Joe Hart

Kooxdii Diyaaraddu La Qaraxday Oo La Guddoonsiiyey Koobka Copa Sudamericana

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com