Khedira: Way Igu Adkaan Doontaa Inaan Ka Tago Real Madrid

Khedira

Laacibka khadka dhexe ee Sami Khedira oo loo badinayo in uu bisha June ka dhaqaajiyo Real Madrid marka uu heshiiskiisu dhamaado ayaa sheegay in ay ku adag tahay in uu nabadgelyo ku yidhaahdo ciyaartooyada iyo taageereyaasha kooxdaas ee ay muddada dheer soo wada qaateen.

Xiddigan reer Germany ayaa lala xidhiidhiyey kooxo badan oo ka dhisan Bundesliga, iyadoo ay ugu horreeyaan Schalke iyo Bayern Munich.

Khedira ayaa boos ka waayey kooxda Ancelotti iyadoo Khadka dhexe ay haystaan Toni Kroos iyo Luka Modric oo booskaas sii xoreystay intii uu dhaawaca ku maqnaa.

Khedira oo u warramay wargeyska Marca, ayaa waxa uu yidhi: “Waan jecelahay Real Madrid, waanay igu adkaan doontaa in aan ka tago kooxda. Wax walba waan u hurayaa illaa maalinta ugu dambaysa ee aan xidhanahay shaadhka Real ee uu heshiiskaygu dhacayo, shakina kuma jiro taas.” Sidaas ayuu yidhi Khedira.

Laacibkan oo ay da’diisu tahay 27 jir ayaa waxa loo badinayaa in uu kooxda ka tegi doono dhamaadka xili ciyaareedka.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Harry Redknapp: Raheem Sterling Nasiib ayuu u helay Liverpool

Angel Di Maria Iyo van Gaal Oo Ku Sigtay In ay Gacan Isula tagaan

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com