Khilaaf u dhaxeeya Toure iyo Guardiola

Tababaraha kooxda Manchester City Pep Guardiola ayaa sheegay in aanu Yaya Toure safi doonin ilaa iyo inta uu raalli galin ka siinayo naadiga iyo ciyaartoydaba hadal ka soo yeedhay wakiilkiisa.

Toure oo 33 jir ah, hal mar oo kaliyana garoon lagu arkay tan iyo markii uu billowday horyaalka hadda socda ee Premier League ayaa wakiilkiisa Dimitri Seluk, wuxuu sheegay in laacibkan khadka dhexe ka ciyaara la bahdilay oo ay tahay in Guardiola uu raalli galin siiyo haddii kooxdu aanay guul ka gaadhin tartanka, Laakin Guardiola ayaa dhinciisa warbaahinta soo fadhiistay, kana dalbaday ciyaaryahan Guardiola oo wakiilkiisu hadalkan yidhi in uu raalli-gelin ka bixiyo wixii wakiilkiisu sheegay, haddii kalena aanu lug dambe gelin doonin garoonka kooxdaas.

Dhanka kalena, Yaya Toure wuxuu ku sheegay bartiisa twitterka inuu ka fadhiisanayo cayaaraha caalamiga ah ee qaranka dalkiisa. Wuxuu sheegay in la gaadhay wakhtigii usha lagu wareejin lahaa, waa sida uu hadalka u dhigaye, cayaartoy da’ yar.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

RASMI: Jadwalka Koobka Kooxaha Adduunka & Sida Loo Ciyaarayo Oo Lasoo Saaray

Real Madrid Oo Looga Dhaartay Inay Rikoodh Cusub Dhigto

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com