Klopp Iyo Neville Oo Hadallo Kulul Is Dhaafsaday

Tababaraha kooxda Liverpool, Jurgen Klopp ayaa weerar ku ekeeyey Gary Nevilla oo wakhtigan ka shaqeeya telefishanka ciyaaraha, kaas oo kulankii Sabtidii ee Liverpool si ba’an u dhalleeceeyey goolhaye Loris Karius.

Tababare Klopp ayaa ka cadhooday hadallada Neville uu ku daray goolhaye Karius, waxaana uu warbaahinta soo fadhiistay isaga oo indhuhu cas yihiin, waxaanu sheegay in inkasta oo aanu jeclayn in uu magaca Gary soo qaado, haddana uu yahay shakhsi ku sifoobay guul-darro oo dadka kale wax ka sheegaya.

“Waxa uu ina tusay in uu kari waayey inuu ciyaartoyada maamulo markii tababaraha uu u noqday Valencia, markaa sideen ugu ogolaan karnaa inuu ciyaartoy kaga hadlo telefishanka?” sidaas ayuu yidhi Klopp.

Waxa hadalkaas isna jawaab ka bixiyey Gary Neville oo sheegay in uu aanu ahayn cunto-kariye laakiin uu garanayo cuntada wanaagsan, taas oo uu ula jeedo in aanu tababare ahayn, balse uu garanayo ciyaartoyga wanaagsan.

Klopp ayaa mar kale ku soo noqday jawaabta isagoo daba socda hadalka dambe ee Neville, waxaannu yidhi: “Ma dhegaysto iyaga (Hadallada falan-qeeyeyaasha ciyaaraha), laakiin waxaan si fiican u hubaa in Carra (Gary Neville) aanu wax fiican ka sheegin ciyaartooyada Man United. Sidaas oo kale, Neville walaalladii ma jecla Liverpool, dhibaatona iguma hayso balse wixii ay dhibaato noo geysan karayeen mar horeba way isku dayeen.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi: “falan-qeeyeyaasha ciyaaruhu, waxay u badan yihiin ciyaartooyo hore oo illoobay wixii ay dareemi jireen marka la dhalleeceeyo.”