9:37 pm - Saturday July 22, 2017

Klopp: ‘Liverpool Uma Jabayso Sida Arsenal Oo Kale’

Abdiwahab Ahmed

Jurgen Klopp ayaa ku adkaystay in kooxdiisu aanay ugu jabi doonin garoonka Goodison Park sidii Arsenal oo kale, kulanka Everton ee caawa.

Tababare Klopp waxa uu sheegay in kooxdiisu aanay ka baqaynin Everton, isla markaana aanay noqon doonin Arsenal oo kale oo toddobaadkii hore ay Everton ku karbaashtay garoonkeeda Goodison Park.

Arsene Wenger ayaa toddobaadkii hore markii ay Everton ku dhufatay 2-1, waxa uu sheegay in ciyaartoygiisu aanay la halgami karin awoodda jidheed ee xiddigaha Everton, waxaana uu digniin usii diray Liverpool oo uu sheegay in aanay noqonin kooxdii labaad ee lagu garaaco garoonkaas.

Arrintan waxa jawaab ka bixiyey Klopp oo sheegay in Wenger uu ku saxsan yahay in Everton ay tahay koox awood badan oo isticmaasha xogga ciyaartoyeeda qawiga ah, waxaanu yidhi: “Dabcan, Wenger wuu saxsan yahay. Waa xaqiiqo inay isbeddel samayn karto, laakiin ma baqanayo.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu Klopp yidhi: “Waxaan idiin sheegayaa sidii aan ciyaarta u daawanay. 20-kii daqiiqo ee u horreeyey way ka duwanayd, Arsenal ayaana gool dhalisay mase ahayn ciyaartii dunida ugu fiicnayn, laakiin gool ciyaarta u fiicnaa ayey heleen. Everton weerarkeeda ayaa badnaa, Arsenal ayaa kaddib ciyaarta furtay oo garoonka marba dhinac kubadda u daba ordaysay, waanay fiicnayd in sidaas la arko.”

Klopp ayaa la filayaa in uu ku dhegsanaado shaxdiisa oo aanu isbeddel ku samaynaynin ciyaartooyadii toddobaadkii hore uu kala hor tegay Middlesbrough ee guusha u keenay, laakiin Joel Matip oo baadhitaan lagu sameeyey ayaa la filayaa in uu ciyaaro karo, booskana uu kala baxo Ragnar Klavan.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Wenger: ‘Sida Xayawaanka Ayuu Garsooruhu Noola Dhaqmay’

Gool-dhalinta Horyaalka Spain ee Xili-ciyaareedkan

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: