Klopp Oo Ballan-Qaaday In Kooxdiisu Ku Dagaallami Doonto Horyaalka Sannadkan

Tababaraha kooxda kubadda cagta Liverpool, Jurgen Klopp ayaa ballan ku qaaday in kooxdiisu ku dagaallami doonto horyaalka kubadda cagta Premier League sannadkan, inkasta oo ay jirto in jadwalka wakhtiga Ciidda Masiigu uu caawinayo Chelsea oo kulamo fudud ku beegan yihiin, halka Liverpoolna naadiyo adag ay sugayaan.

Liverpool ayaa Salaasada la ciyaaraysa Stoke City, Sabtidana waxa ugu xigta Manchester City halka inka yar 48 saacadoodna ay sugayso Sunderland.

“Way adag tahay (guulo kooxdiisu ka gaadho ciyaarahaas) laakiin ma odhanayo suurtogal maaha, waxaan diyaar u ahay inaan halgamo.” Sidaas waxa yidhi tababare Klopp.

“Aakhirka, kooxaha isticmaalay duruufo kala duwan, ayaa ugu sarrayn doona shaxda kala-sarraynta. Ma filayo inay culays badan tahay, albaabaduna way xidhan yihiin, waanay furan yihiin. Dhibaato iguma aha in aan ciyaaro 26-ka ama 27-ka, haddana aanu ciyaarno 31-ka December.” Ayuu mar kale yidhi.

Ciyaaraha xidhiidhka ah ee maalmaha ciidda masiiga iyo sannadka cusub ayaa ay kooxuhu la kulmaan guul-darrooyin maadaama saddex illaa afar kulan ay dhacaan maalmo kooban gudahood, laakiin Klopp ayaa ku adkaysanaya in kooxdiisu ay ka gudbi doonto caqabadahaas.

Sannadkii hore wakhtigan oo kale, Liverpool waxay ciyaartay afar kulan 12 maalmood gudahood, lab aka mid ah guulo ayey gaadhay, halka laba kalena ay Watfrod iyo West Ham guul-darro u xambaariyeen.

 

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Mariano Oo Doonaya In Uu Boos Ka Helo Real Madrid

Ma Dhabbaa In Coutinho U Wareegayo Barcelona

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com