2:54 pm - Saturday July 29, 2017

Klopp Oo Xaqiijiyey In Coutinho Ka Maqnaanayo Kulanka Manchester City

Abdiwahab Ahmed

Kubbad sameeyaha Liverpool ee Philippe Coutinho ayaa ka maqnaan doona kulanka muhiimka ah ee maalinta u dambaysa sannadka 2016 ay kooxdiisa waajihi doonto Manchester City, sida uu xaqiijiyey tababare Jurgen Klopp.

Coutinho oo ay da’diisu tahay 24 jir ayaa dhaawac jilibka ka gaadhay bishii November ciyaar ay kooxdiisu la yeelatay Sunderland, waxa uu ku seegay lixdii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee kooxdiis, kuwaas oo ay kusii darsami doonto kulanka ugu muhiimsan ee Man City ee Sabtida.

“Kulanka City wakhti hore ayuu yimid, waxa kale oo xaqiiqo ah in ciyaarta Sunderland ee Isniintu ay sidoo kale wakhti hore timid.” Sidaas waxa yidhi Klopp.

Tababaraha Liverpool waxa kale oo uu xaqiijiyey in ciyaarta City uu maqnaan doono difaacyahanka Joel Matip oo jilibka ka dhaawacan.

“Waa ciyaar weyn oo labada kooxood kusoo fool leh. Lix kooxood ayaa ku dagaallamaya afar ama hal boos, kulan kastaana waa final. Haddii aanan ciyaarta ku jiri lahayn, boqolkiiba boqol waxaan iibsan lahaa tigidh aan ciyaarta ku daawado.” Ayuu yidhi.

Klopp waxa uu amaanay macallinka Manchester City, Pep Guardiola oo uu tilmaamay in kooxaha uu joogo uu saamayn ku yeesho, isagoo tusaale u soo qaatay Bayern Munich oo uu xusay inuu u ekaysiiyey Barcelona.

 

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Silsiladda Dhaawacyada Real Madrid Oo Daba-furan Noqotay + Xiddigo Cusub Oo Muddo Maqnaan Doona

Boston Celtics vs Cleveland Cavaliers – Preview

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: