‘Kompany Ayaa Marka Hore Lagu Xanaaqay’ – Pellegrini Oo Diiday Kaadhkii Casaa Ee Kabtanka La Siiyey

Manual Pellegrini marka hore lagu xanaaqdayTababare Manual Pellegrini ayaa ku dooday inaan loo qabanin xanaaqad gool ku laad xor ah kubadii keentay in kaadhka casaanka ah ciyaarta lagaga saaro kabtanka Manchester City , Vicent Kompany.
Kompany ayaa calaamada casaanka ah loo taagay ciyaarta oo 10 daqiiqo kaliya socota , kadib markii uu ugu tuuray weeraryahan Nikica Jelavic oo goolka tooganaya garoonka KC Stadium.
kooxda Martida ahayd ee City ayaa kaga adkaatay 2-0 Hull City , goolashaas oo mid uu ahaa kii uu sida xirfada sare ku dheehan tahay qaybtii hore ee ciyaarta shabaqa ugu lulay ciyaaryahan David Silva, iyo kii daqiiqadihii ugu dambeeyey ciyaarta uu dhaliyey Edin Dzeko.
Pellegrini ayaa ku sheegay xanaaqadii Kompany mid u qalantay dibad u saarida ciyaaryahanka , laakiin wuxuu sidoo kale raaciyey in weeraryahan Jelavic uu u qalmay in isna dibada la dhigo xanaaqadii inyar ka hor midaas uu sameeyey oo bedelkeeda lagu ganaaxay City.
“Casaankaasi wuu iska cadaa , laakiin xanaaqada Vicent ka hor waxaa jiray khalad uu gallay Jelavic taas oo aanu garsooruhu arkaynin aanu qabanina.” ayuu yidhi tababarahan reer Chile.
“Dabcan khaladka uu sameeyey Kompany wuxuu ahaa Casaan , laakiin isaga kahor Jelavic ayaa xanaaqad cad sameeyey.”
Gerrard : Ciyaartii Aanu United Gurigeeda Ugu Dhiibnay 4-1 Ayaa Ahayd Midii Iigu Xiisaha Badnayd.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Ibrahimovic Oo Ku Galgashay Madbakha Kooxda PSG

Mo Farah Oo Istaaga Ka Dhacay Isagoo Tartan Ku Jira Dhakhtarkana Loola Carraray (Sawiro)

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com