Koobabkii Uu U Qaaday, Goolashii Uu Dhaliyey, Taariikhda Uu Galay Iyo Dhamaan Xogtii Cristiano Ronaldo Ee Wakhtigiisii Real Madrid

Kabtanka xulka qaranka Portugal ee Cristaino Ronaldo ayaa sagaal sano oo dahabi ahaa oo uu Santiago Bernabeu ku soo qaatay waxa uu ugu danbayn ka degay kooxda Juventus iyada oo heshiiskii abid ugu qaalisanaa taariikhda horyaalka Talyaaniga loogu diwaan galiyay. Ronaldo ayaa 100 milyan euros ugu biiray kooxda Juventus oo wax waqti riyo u muuqday dhab ka dhigtay.

Cristaino Ronaldo ayaa si wayn uga cadhooday ballamo uu ka baxay madax waynaha Real Madrid ee Florentino Perez waxayna isaga iyo wakiilkiisa Jorge Mendes sabab u noqdeen in ay xidhiidh la sameeyeen kooxda Juventus laakiin sidoo kale madax waynaha Madird ee Perez ayaa Ronaldo go’aankiisa ku ixtiraamay isaga oo meesha ka saaray lacagtii halka bilyan ee eruos ahayd ee qandaraaskiisa lagu burburin lahaa.

Abaal Marinaha Shaqsiga : Ballon d’Ors, The Best  & Golden Boot

Cristiano Ronaldo ayaa soo barbareeyay rekoodhkii abaal marinta Ballon d’Or ee uu Lionel Messi shanta jeer ku haystay waxayna hadda wada haystaan min shan Ballon D’Or. Ronaldo ayaa afar jeer abaal marintan ugu soo guulaystay Real Madrid halka markii kowaad uu kooxdiisii hore ee Man United ugu soo guulaystay 2008 kii.

Cristiano Ronaldo ayaa noqday xidiga kaliya ee labadii sano ee ugu danbeeyay ku soo guulaystay abaal marinta FIFA ee The Best oo laga saaray Ballon D’or oo ay hore isku mid u ahaayeen wuxuuna hore Ronaldo abaal arinta xidiga aduunka ugu fiican ee markii ay isku jireen Ballon D’Or iyo The Best uu ku soo qaaday England.

Saddex jeer ayuu Ronaldo ku soo guulaystay abaal marinta xidiga yurub ugu fiican ee UEFA Best Player awards. Dhinaca kale Ronaldo ayaa ku soo guulaystay afar jeer oo abaal marinta kabta dahabka ah ee gool dhalinta Yurub halka lix xili ciyaareed uu ku soo dhamaystay halka ugu saraysa ee gool dhalinta Champions League.

Dhinaca kale Cristiano Ronaldo ayaa intii uu horyaalka La Liga joogay ku soo guulaystay saddex abaal marinta Pichichi ee gool dhalinta horyaalka La Liga ah.

In Uu Koob Kasta Kula Soo Guulaystay Real Madrid:

Cristaino Ronaldo ayaa kooxda uu hadda ka baxay ee Real Madrid waxa uu kula soo guulaystay koob kasta oo heerka kooxeed ah oo ay Los Blancos u tartamaysay wuxuuna la soo qaaday 4 koob oo Champions League ah, 2 koob oo horyaalka La Liga ah, 2 Copa Del Rey, 3 koobka kooxaha aduunka ee Club World Cupka ah, 3 UEFA  Super Cup ah iyo waliba 2 koob oo Spanish Super Cupka  ah.

In Real Madrid Uu U Soo Dhaliyay Gool Ka Badan Kulamadii Uu Soo Saftay:

Cristaino Ronaldo ayaa 450 gool u soo dhaliyay kooxdiisii hore ee Real Madrid kadib markii uu saftay 438 kulan taas oo la micno ah in celcelis ahaan uu kulankiiba soo dhaliyay 1.03 gool taas oo heer gool dhalin cajiib ah.

Dhinaca kale Ronaldo ayaa 312 gool ka soo dhaliyay horyaalka La Liga, 22 gool waxa uu shabaqa ku taabtay Copa Del Rey halka Spanish Super Cupka uu 4 gool ka soo dhaliyay si la mid ah 2 gool oo uu ka dhaliyay UEFA Super Cupka.

Ronaldo ayaa 105 gool ka soo dhaliyay tartanka xiisaha badan ee UEFA Champions League intii uu Madrid joogay halka Man United uu 15 gool tartankan kaga soo dhaliyay, waana xidiga abid goolasha ugu badan ka soo dhaliyay wuxuuna 6 gool oo kale ka dhaliyay koobka kooxaha aduunka ee Club World Cupka.

In Gool Dhalinta Taariikhda Real Madrid Uu Ugu Sarayn Doono:

Cristiano Ronaldo ayaa rekoodho tiro badan ka soo dhigay Real Madrid laakiin mid aan marnaba la ilaawi doonin ayaa noqon doona in la wareegay rekoodhka gool dhalinta Real Madrid. Ronaldo ayaa dhaafay rekoodhkii gool dhalinta abid ee uu Rual ku haystay 323 wuxuuna soo dhaliyay 450 gool.


Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.