Koobka Adduunka: Kabtanka Xulka Peru Oo Laga Helay Daroogo, Kana Maqnaanaya Koobka Adduunka

Kabtanka xulka qaranka Peru, Paulo Guerrero ayaa ganaax kaga maqnaan doona koobka adduunka kaddib markii lagu helay inuu isticmaalay maandooriye ama daroogo.

Paulo Guerrero oo ay da’diisu tahay 34 jir ayaa bishii October ee sannadkii hore baadhitaan lagu sameeyey waxa lagu ogaaday inuu qaatay ama isticmaalay daroogada Cocaine ee halista ah, taas oo si weyn looga isticmaalo Koonfurta Ameerika.

Paulo Guerrero ayaa waxa uu lagu xukumay inuu 14 bilood ka maqnaado garoomada kubadda cagta, waxaase laba bilood ka yaraysay guddida anshaxa ee FIFA oo ka dhigay in 12 bilood uu dibedda ka ahaado garoomada.

Xidhiidhka kubadda cagta Peru ayaa rafcaan ka qaatay xukunkii hore ee 14ka bilood ahaa, waxaana ay ku guuleysteen in laba bilood oo kaliya laga dhimo.

War-saxaafadeed uu giddida la dagaallanka maandooriyaha ee CAS uu soo saaray ayaa waxa lagu yidhi: “Guddida Cas waxay shaacinaysaa in la jabiyey sharciga (ADRV) oo uu sameeyey Mr Guerrero laakiin wuxuu aqbalay inaanu isku deyin inuu sii horumariyo ciyaarihiisa”

 

 

Paulo Guerrero oo wakhtiyada qaarkood u ciyaari jiray Bayern Munich ayaa waxa uu xulka dalkiisa u ciyaaray 86 ciyaarood oo uu u dhaliyey 32 gool.

Peru ayaa koobka adduunka usoo baxday markii ay bishii November kasoo badisay New Zealand, waxaanay ka qayb-geli doonaan Koobka Adduunka oo ay ka maqnaayeen tan iyo sannadkii 1982-kii.


 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.