Koobka Aduunka Ee Ciyaarta Cricket Oo Ka Furmay Qaarada Australia

Tartankii 11 aad ee koobka Aduunka ciyaarta Cricket-ka ayaa si rasmi ah uga furmay wadamada wadajirka sanadkan u marti gellinaya ee Australia iyo New Zealand Habeenimada Jimcaha 13 February 2015.Jadwalka Cricket 1

Labada dal ee sanadkan wadajirka u marti gellinaya ayaa ku qornaa jadwalka maalinta koobaad ee ciyaaraha , waxaanu xulka New Zealand ciyaartii koobaad ee furitaanka ka hortagay wadanka Sri Lanka taas oo bilaabatay 8:00 fiidnimo ee Jimcaha saacada bariga Afrika.

Australia oo kula ciyaaraysa xulka England ciyaar la rajaynayo inay ka soo xaadiraan daawade yaal tiradooda lagu qiyaasay 100,000 oo qof garoonka Melbourne Cricket Ground saacada Bariga Afrika marka ay marayso 06:30 Maalinta Sabtida.

14 xul qaran ayaa ciyaarahan ka qayb qaadanaya kuwaas oo yeelan doona 49 ciyaarood, ta 50 aadna labada isu soo hadha ay wada yeelan doonaan, tartankan ka dhacay 14 garoon ee kala duwan, iyadoo la qiyaasayo in shacabka dunida ee tooska ula socon doona kalana socon doona dacalada dunidu ay tiradoodu gaadhi doonto in ka badan hal billion oo ruux.

Wadanka Hindiya ayaa difaacanaya koob aduunkii ugu dambeeyey oo ay qaadeen sanadkii 2011 oo wadankooda Marti loogu ahaa.

Jadwalka 14 ka wadaN oo laba hormo loo qaybiyeyna waa sidanJadwalka Cricket

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Ronaldinho Oo Ku Biiraya Koox Afrikan Ah – Reer Angola Oo Nasiib U Helay Xiddigan

Ronaldo Oo Soo Dhoweyn Aanu Galabsanin Ka Sugaya Bernabeu

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com