Koobka Aduunka Oo Taariikhda Markii Ugu horeysay Laga Daawan Doono Samada

Rakaabka ku soo beegma xiliyada ay socdaan ama ciyaarayaan qaramadoodu , ayaan dib uga warwari doonin inay dhaafto ciyaarto, kuwaas oo toos uga daawan doono diyaaradaha ay raacayaan.

Channel-ka ciyaraaha khaaska u ah ee Sport 24  ayaa si toos ah looga daawan doonaa ciyaaraha socda (live) kadib heshiis uu la gallay sagaal shirkadood oo waaweyn oo diyaaradaha ah, kuwaas oo rakaabkoodu muuqaalka ciyaarta oo qurux badan iyo ciyaarta oo toos ah ay hawada sare ku daawan doonaan.

Waa markii ugu horeysay taariikhda ee ciyaaraha si Live ah loogu dhex daawan doono diyaaradaha dhexdooda , waxaana la qiyaasayaa , tartankan maanta ka furmaya wadanka Brazil in ay nasiib u hellaan 3.5 million oo rakaab ahi inay hawada sare kula socon doonaan hadda wixii ka dambeeya.

Shirkadaha heshiiska la gallay telefishanka Channel Sport 24 ayaa waxaa kamid ah shirkadaha diyaaradaha ee caanka ka ah dunida oo ay ku jiraan , Lufthansa, Emirates, Etihad iyo Turkish Airlines.

 

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Tageeraasha Germany oo war lagu farxo helay

Arjen Robben: ma qoomamaynaayon 2010, wax weyn ayaanu qabanay

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com