Koobka Afrika Iyo Caawa: Ammaanka Oo Aad Loo adkeeyey

Ciyaaryahada Ghana oo Gurmad loo fidinayo ciidmaduna 'gaashaankooduu U Dalaalimeeyeen'

Waxa caawa la soo gebogebayn doonaa koobka Qaramada Qaaradda Afrika oo ay isugu soo hadheen labada wadan ee Ivory Coast iyo Ghana, waxaana aad loo adkeeyey ammaanka iyadoo ciidamo dheeraad ah la geynayo garoonka iyo hareerihiisa.

Ciidamada ammaanka ayaa gaaf wareegi doona gudaha garoonka wakhtiga ay ciyaartu socoto iyagoo ka ilaalin doona taageereyaasha in ay ku kacaan rabshadihii ay sameeyeen kulankii dhex maray Ghana iyo Equatorial Guinea markaas oo ay taageereyaasha martigelinaya Koobka Afrika ee Equatorial Guinea ay shiid hadhka kaga dhigeen garoonka iyo waliba taagaareyaasha reer Ghana, taas oo sababtay in ciyaarta la istaajiyo muddo 30 daqiiqo ah, balse markii dambe dib loo bilaabay.

Xoghayaha guud ee xidhiidhka kubadda Cagta Afrika Hicham El Amrani ayaa warbaahinta u sheegay in ay ciidamada ammaanka ka dalbadeen in ay xoojiyaan ammaanka.

“Ciidamada ilaalada waxa aan ku wargelinay in ay xoojiyaan meelaha muhiimka ah inta ay socoto ciyaartu si aanu ammaanku u dayacmin” sidaas ayuu yidhi xoghaye Hicham El Amrani.

Xoghayaha oo u warramay idaacadda Ingiriiska ah ee BBC isaga oo jooga wadanka koobka Afrika martigeliyey ee Equatorial Ginea, ayaa waxa uu intaa raaciyey in ay haystaan ciidamo ammaanka suga oo loo diyaariyey ciyaarta caawa.

“Waxa ugu muhiimsan, madaxweynaha dalka ayaa dadka ugu baaqay inay nabadda illaaliyaan isla markaana ay u dabaal degaan sida uu wadankoodu u martigeliyey koobka” ayuu yidhi Hicham.

Labada wadan ee caawa wada ciyaari doona faynalka Koobka Afrika ayaa dib u xasuusiyey dadka sannadkii 1992kii oo ay labadoodu wada ciyaareen faynalkii, hase ahaatee waxa guuleystay wadanka Ivory Coasta oo rikoodheyaal ku garaacay Ghana.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Benzema Oo Raali Gallin Ka Bixiyey Masiibadii Madrid

Ronaldo Oo Dagaal Iyo Aflagaado Kula Kacay wariye su’aal weydiiyey

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com