3:16 pm - Thursday January 20, 4039

Koobka Kubadda Cagta Qaramada Afrika Oo Maanta Ka Furamaya Marocco

214 Viewed Abdiwahab Ahmed 0 respond

Maanta oo Sabti ah waxaa magaalada Casablanca ee waddanka Marooko ka bilaabanaya tartankii shanaad ee Koobka Qaramada kubadda cagta ee qaaradda Afrika ee CHAN loo soo gaabiyo.

Tartanka ayaa waxaa lagu daah furayaa Marooko oo tartankan martigelinaysa iyo dalka ay dariska yihiin ee Mauritania.

Tartankan oo ay ciyaaraan ciyaartoyda ka dheesha horyaallada qaaradda Afrika ayaa waxaa ku loolamaya 16 waddan.

Marooko ayaa isu soo taagtay martigelinta tartankan wax ka yar saddex bilood markii ay ka hadhsan tahay qabashadiisa kaddib markii Xidhiidhka Kubadda Cagta ee Afrika uu go’aamiyay in Kenya aanay diyaar u ahayn inay tartankan qabanqaabiso.

Marooko ayaa waxa ay doonaysaa inay muujiso awoodda ay u leedahay inay qaban-qaabiso tartan weyn iyadoo isku dayaysa inay u tartanto qabashada Koobka Adduunka ee 2026.

Dhanka kale ciyaartoyda Marooko ee tartanka ka qeyb qaadanaysa ayaa waxa ay danaynayaan inay taageerayaashooda xamaasadda badan ku soo hor bandhigaan ciyaaro wanaagsan, si ay sare ugu qaadaan fursadda loogu dari karo xulka qaranka Marooko ee ka qeyb qaadan doono tartanka Koobka Adduunka ee sanadkan ka dhici doona waddanka Ruushka, si ay uga garab dheeleen ciyaartoyda Marooko ee dibadaha ka ciyaara.

Isreebreebka tartanka Koobka Qaramada kubadda cagta ee qaaradda Afrika ayaa waxaa lagu salleeyaa ciyaartoyda ka ciyaarta qaaradda, iyadoo xulka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo ee haysta koobka loo tartamayo uu ciyaarahan ka maqan yahay ayaa dhanka kale waxaa markoodii ugu horreysay tartankan ka qeybgalaya xulalka Namibia iyo Equatorial Guinea.

Halka Marooko ay dad u arkaan inay tahay kooxda ugu cadcad ee tartanka ayaanan haddana la saadaalin karin cidda ku guulaysan karta tartanka.

Ilaa iyo hadda ma  jirto cid tartankan martigelisay oo ku guulaysatay, iyadoo Liibiya oo tartankan qaadday 2014 ay sanadkan doonayso inay markale ku guulaysato, si ay ula simanto xulka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo oo laba jeer ku guulaystay tartankan.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Sucuudiga Oo Dumarimiyey Derbigii Dumarka Ka Hor Joogay Haweenka

Chelsea vs Leicester city – 0-0 – Highlights & Goals

Related posts
Your comment?
Leave a Reply

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com