Koobkii Champion-ka ee Real Madrid Ku Guuleysatay Oo La Xaday

Koobka oo maqan

Dhaco ugub ku ah kubadda cagta ayaa ka dhacday garoonka tababarka ee kooxda Real Madrid ee Valdebebas, kadib markii la xaqiijiyey in Axaddii toddobaadkan laga waayey xaruntaas koobkii Champions League ee ay Real Madrid ku guuleysatay sannadkan.

Real Madrid ayaa koobkii 10aad ee Champions League ku guuleysatay sannadkii tegay, kaas oo loogu magac daray La Décima maadaama uu dhaafay tiradii lambarka koowaad isla markaana ay gaadhay laba god (10).

Koobkan ayaa halkii loogu talo galay ee uu yaalay laga waayey, iyadoo sagaalkii koob ee kale ee ka horreeyey ay halkoodii yaalaan. Lama garanayo halka uu tegay, hase yeeshee sida uu qoray wargeyska AS, waxay noqonaysaa laba arrimood midkood uun. In laga dejiyey oo meel kale la dhigay iyo in laga xaday garoonka.

1423422805_297229_1423422875_noticia_normal

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Taageereyaasha Madrid Oo Farta Ku Goday Cristiano Ronaldo, Khedira iyo Casillas

‘Sheeko Ha Iila Iman!’ – Ibrahimovic Oo Ku Xanaaqay Weriye Su’aal Weydiiyey

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com