Koox ka tirsan Horyaalka Ingiriiska Oo is indho la’aan ah u doonaysa difaaca Real Madrid Ee Pepe

 

Kooxda Manchester City ayaa ku tala jirta inay la soo wareegto sannadkan difaaca kooxda Real Madrid Pepe, kaasoo ka garab ciyaari doona Martin Demichelis.

Jariiradda Daily Star ayaa ku waramaysa in Manchester City ay markaan u jeesatay saxeexa difaaca Portugal ee Pepe, waxaana tababare Manuel Pellegrini uu doonayaa in difaac uu ku lammaaniyo kabtanka City Vincent Kompany.

Difaaca Porto Eliaquim Mangala ayaa iska diiday inuu ku biiro Manchester City, waxaana kooxda Sky Blue ay markaan si weyn u dooneysaa inay 31-sanno jirkan u soo dhaqaajiso garoonka Etihad. Man City xiddigaha ay sidoo kale dooneyso waxaa ka mid ah Mats Hummels oo ka tirsan Borussia Dortmund, John Stones oo u ciyaara Everton, Mehdi Benatia oo Roma ah iyo garabka reer Talyaani Alessio Cerci.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Tababarihii Barca – Luis Enrique oo Dakhtarka Loola Carraray

Qosol: Wariye isku qalday magacyadda Steven Gerrard iyo Frank Lampard

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com