3:03 pm - Wednesday August 23, 5533

Koox La Basaasay Oo Dacwad Cabasho Ah U Gudbisay Xidhiidhka Premier League

Aidarous

Naadiga Cardif City ayaa Dacwad basaasid lagu sameeyey ah oo ay kaga cabanayso kooxda Crystal Palace u gudbisay xidhiidhka kubada cagta Ingiriiska ee Priemier League.

Kooxdan gobolka Wales ka dhisan ayaa sheegtay inay cadayn buuro ah u hayaan in Agaasimaha kubada cagta naadiga Palace ee Lain Moody, oo sanadkii hore laga eryay kooxda Cardiff, xidhiidh uu la soo xidhiidhay saddex kamid ah shaqaalaha naadiga si uu u hello xogta ciyaaryahanada ay safayso kulankii labada kooxood dhex maraysay 5 tii bishan.

Crystal Palace ayay guushu ku raacday 3-0, laakiin Cardiff City ayaa rumaysan in waxay la shir imanayaanba la sii hayay oo uu sii basaasay ninka ay eryeen ee Moody, sababta looga badiyeyna ay taas ahayd.

War rasmi ah oo ka soo baxay Premier Leagu ayaa lagu xaqiijiyey dacwadan iyo in xidhiidhku baadhis ku hayo.

Waxaana lagu yidhi: ‘Xidhiidhka Premier League waxa soo gaadhay dacwad ka timid Cardiff City, imikana baadhistii ayaa socota siday wax u dhaceen.’

Cardiff City ayaa maalmihii aynu soo dhaafnay shaqada ka eriday saddex kamid ahaa shaqaalaha naadiga oo ay ku eedaysay inay bixiyeen Sirtii Naadiga.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Rafinha Oo Saddex Ciyaarood Laga Ganaaxay Arintii Dortmund Darteed

Iska iloow Barcelona: Man City & PSG oo Barca kula soo biiri doono ganaaxa suuqa kala iibsiga ee xagaaga

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: