Koox U Badheedhay Dagaal Ka Dhan Ah Donald Trump

Kooxda Green Bay Packers ayaa iclaamisay codsi ay u dirtay taageereyaasheeda oo ay kaga dalbatay inay ku mudaharaadaan madaxweyne Donald Trump, marka ay dhacayso ciyaarta khamiista ee ay ka hor tegayaan Chicago Bears.

Packers ayaa ka codsatay taageereyaasheeda in marka la shido heesta calanka in gacmaha is dhaafiyaan, iyagoo kasoo horjeeda ixtiraamka uu doonayo madaxweyne Donald Trump.

Inta badan ciyaaryahannada Packers ayaa kulankii Axaddii ay kaga hor tageen Cincinnati Bengals ee sida tooska ah looga daawanayey shabakadda ciyaaraha ee cadalool.com, gacmaha is weydaarsaday, gaar ahaan xiddigaha Martellus Bennett, Lance Kendricks iyo Kevin King, kuwaas oo diiday inay u istaagaan heesta.

Ciyaartoyga kooxda oo dhamaystiran ayaa markii heesta calanka la shiday gacmaha isweydaarsaday, laakiin Lance Kendricks, Martellus Bennet iyo Kevin King kuraastooda ayay iska fadhiyeen, waxaanay diideen inay istaagaan.

Haddii taageereyaashu ku daraan Khamiista oo ay gacmaha is-weydaarsadaan, waxa si toos ah ay kooxdan iyo taageereyaashoodu u bilaabayaan dagaal ka dhan ah Donald Trump oo si gardarro iyo axmaqnimo lagu daray doqoniimo u weeraray ciyaartooyo muujiyey mudaharaad diidmo ah markii la shiday heesta calanka, kuwaas oo ujeedadoodu ahayd in takoor ay cabanayaan, maadaama ay madow ahaayeeen. Hase yeeshee, Madaxweyne Trump ayaa arrintaas kaga jawaabay aflagaado.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Canelo Alvarez vs Gennady Golovkin: Ciyaar Lagu Daawaday 27 Milyan Oo Dollar

West Ham Iyo Tottenham Oo Lagu Ganaaxay Xakamayn La’aantii Ciyaaryahanada Kulankii Derbiga London

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com