10:13 am - Wednesday June 28, 2017

Kooxaha Arsenal iyo Tottenham Oo ku hirdamaya helitaanka Romelu Lukaku

Khadar Dirir

Kooxda Arsenal ayaa diyaar u ah in ay kula dagaalanto kooxda ay dariska yihiin ee Tottenham Hotspur helitaanka  weeraryahanka ay Chelsea leedahay ee Romelu Lukaku marka uu dhamaado xagaagan. Xiddiga caalamiga ah ee xulka Belgium ayaa muuqaal fiican xilligan ka sameeyey kooxda Everton oo uu ku qaadanayo xili amah ah, Mail on Sunday ayaa sheegtay in Gunners ay ku jirto dagaalka 20 jirkan kaas oo lagu iibsan karo aduun dhan £40m.

Kooxda Everton ayaa sidoo kale dooneyso in ay sii heysto xiddigan laakiin qarashkiisa badan ayaa ku qasbaya in ay ku raadiyan in ay amah ku sii heystaan.

Wararka ka imaanaya dhanka kooxda Chelsea ayaa sheegaya in tababare Jose Mourinho uu diyaar u yahay in uu iibiyo Romelu Lukaku si kooxda The Blues ay u soo iibsato gool dhaliye sare sida Diego Costa.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Filed in

Arsenal Oo Si Dirqi Ah (rigoodhayaal) Ku Gaadhay Finelka FA Cup

Luis Suarez oo wacad ku maray in Liverpool ku guuleysaneyso horyaalka Premier Lerague

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: