Chelsea ayaa doonaysa inay £38million kula soo wareegto laacibka khadka dhexe uga ciyaara Bayern Munich iyo xulka qaranka Chile ee Arturo Vidal, kaas oo uu tababare Conte oo macallin u ahaa wakhtigii Juventus uu mar labaad rabo inay midoobaan.

Wargeyska ka soo baxa Ingiriiska ee The Sun, ayaa baahiyey in Chelsea ay candhuufteeda dib u liqayso, kuna fashilmayso rabitaankeeda Vidal, kaddib markii ay kooxaha reer China soo galeen loollanka loogu jiro ciyaartoygan.

Chelsea ayaa waxay u leexatay inay xodxodato xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Roma ee Radja Nainggolan, maadaama qiimaha ugu yar ee ay ku heli karto Vidal uu yahay £40million xattaa haddii kooxaha reer China ay ka laabtaan dalabkooda.