Kooxda Arsenal Oo isha la raacaysa helitaanka Lavezzi

Inta badan taageerayaasha kooxda Arsenal ayaa aad u soo dhawanaya hadii uu macalinka kooxdaasi ku guulaysto dalabka uu ku doonayo in uu ku soo qaato weeraryahanka kooxda PSG Ezequiel Lavezzi kaasi oo maalmahan wada hadalo hoose kula jiray kooxda ka dhisan London.

Jariidada Sun ayaa qortay in sababo badan awgeed ay fududayn karto sidii uu xiddigan ugu soo biiri lahaa Emirates,waxaana kooxdiisa PSG ay diyaar u tahay in ay u dhagaysato dookha xiddigan reer Argentin,waaana kooxda Arsenal ay u kaashanaysaa shirkada diyaaradaha ee Fly Emirates taasi oo heshiisyo xaga ganacsiga ah kula jirta labada kooxood waxaana weeraryahankan Ezequiel Lavezzi uu qandaraas ka haystaa shirkadan.

 

 

Macalinka kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa si cad u sheegay in uu marar badan isku dayay sidii uu ku heli lahaa xiddigan xitaa markii uu joogay Napoli laakiin kooxda

Paris Saint-Germain ayaa diyaar u ah in ay iska fasaxdo xiddigan xulka Argentine Lavezzi kaasi oo laba sano ka hadhsanyahay heshiiskiisa garoonka Parc de Princes waxaana lagu heli karaa lacag dhan £15million.