Kooxda Arsenal Oo markan dooneysa difaac ka tirsan Atletico Madrid

Kooxda Arsenal ayaa markaan u dhaqaaqay inay la soo saxeexato difaaca naadiga Atletico Madrid Juanfran, kaasoo ay ku dooneyso adduun dhan £9m. Kooxda Gunners ayaa la sheegayaa inay Juanfran u aragto bedelka Bacary Sagna, kuwaasoo dhawaan la xaqiijiyey inuu ka tagi doono kooxda Arsenal xagaagan.

Si kastaba ha ahaatee, sida ay sheegtay jariiradda The Mirror, 29-sano jirkan reer Spain ayaa doonaya inuu sii joogo caasimadda Spain, balse tababare Wenger ayaa u qoondeeyay dambeedkiisa cusub ee middig.

Tababare Arsene Wenger ayaa sidoo kale lala xiriirinayaa inuu u dhaqaaqo daafaca Schalke 04 ee Atsuto Uchida.

Difaaca Juanfran ayaa heshiiskiisa uu ku joogo garoonka Vicente Calderon waxaa uu ku egyahay sannadka 2017-ka.