7:31 pm - Friday August 18, 2017

Kooxda Everton Oo si Mustafaysan lacag  ku abaalmarinaysa xiddigeeda Barkley

Khadar Dirir

Iyda ay jiraan dalabyo xoogan oo u imaanaya da,yarka reer England iyo kooxda Everton Ross Barkley ayaa hadana waxaa bar-bar socda heshiis kordhin loo samayn doono xiddigan iyada oo wali loo balan qaaday in uu helo doono mushahar dheeri ah si uu u sii joogo Goodison Park.

Goal.com ayaa waxaa ay leedahay kooxda Manchester United ayaa ah kooxda kaliya oo ilaa haatan daba taagan xiddigan waxaana 20-jirkan uu bandhig la yaab leh ku soo qaatay kooxda xilli ciyaareedkii dhamaaday ee 2013/14 isaga oo dhaliyay lix gool waxaana uu ka mid ahaa da’yartii ugu fiicnayd xagaagan Premier League.

Macalinka kooxda Everton Roberto Martinez ayaa waxaa uu si cad u sheegay inaanu kooxda iibin doonin xiddigaha muhiimka u ah sida Ross Barkley isaga oo intaa ku daray in ay socdaan wada hadalo hoose oo heshiiska loogu kordhinaayo xiddigan.

Barkley ayaa haatan qaata mushahar dhan £20,000-toddobaadkii  waxaana laga yaabaa in loo laba jibaaro oo looga dhigo £40,000-todobaakii laakiin waa marka uu qalinka ku duugu heshiiska cusub. Xiddigan ayaa ka mid ah xiddigaha xulka saddexda libaax ee ugu qayb galaysa koobka aduunla ee uu magacaabay Roy Hodgson.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
5/5 - 1
You need login to vote.
Filed in

Tababare Mourinho Oo  saddex xiddig midkood  uu dhoola-cadaynaya 

Nigeria: Qarax ka dhacay garoon kubadda cagta lagu ciyaarayay iyo dad badan oo ku dhintay 

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: