Kooxda Juventus Oo si rasmi ah ula wareegaysay Xiddiga Dani Osvaldo

Kooxda Juventus ayaa lagu soo waramaya in ay dooneyso in ay toos u iibsato Dani Osvaldo marka ay dib u furanto daaqada suuqa kala iibsiga. Osvaldo ayaa qaab amah ah ku yimid kooxda heysta horyaalka Talyaaniga isagoo ka soo tagay kooxda reer England ee Southampton.

Heshiiskii hore ee labada koox waxaa ku jiray in Juve ay ku iibsan karto xiddigan £15m hadii uu qanciyo, laakiin The Old lady ayaa hadda diyaar u ah in ay xiddigan ku hesho qiimo midkaas ka jaban, sidaas waxaa warisay The Mirror.

Juve ayaa 28 jirkan sheegtay in aanay u quudhi karin wax ka badan £7m taas oo aan la ogeyn waxa ay kaga jawaabi doonto kooxda Southampton.