Kooxda kubadda cagta Duulista iyo Hawada oo Karbaashtay Kooxda Wakaaladda Biyaha Berbera kuna guuleysatay koob lagu daah-furayey Terminal Cusub

Kooxda kubadda cagta heerka koowaad ee wasaaradda Duulista iyo Hawada ayaa ku dur-durisay kooxda dhigooda ah ee Wakaaladda Biyaha Berbera, kana hor-qaaday koob dhex yaalay labadooda kooxood.

Kulankan oo ka dhacay magaaladda Berbera ayaa ujeedadiisu ahayd mid loogu talo-galay daah-furka Terminalka cusub ee laga hir-geliyay garoonka diyaarahada ee Berbera, kaas oo uu xadhiga ka jaray maalintii shalay Madaxweyne Silaanyo. Kooxda lagu naaneyso Xiddigaha Cirka ayaa guusha ku gaadhay 5-0 iyada oo marti u ahayd kooxda Wakaaladda Biyaha, waxaana ay fooda isku dareen garoonka kubadda cagta ee Cabdalle Stadium.

Bilawgii ciyaartaba daqiiqadii 3-aad kooxda Duulista ayaa la timid goolkii koowaad kaas oo ahaa rigoore, waxaana shaqaba ku hubsaday weerar yahankooda Khaalid Bidhiidho. Isla qeybtii hore ee ciyaarta ayay hogaanka sii dheeraysatay waxaana laba gool oo isku xiga u saxeexay kooxdiisa Xiddiga Cirka wiilka da’da yar ee Khadar Cristiano, waxaana qeybtii hore ee ciyaarta oo ay gacan sarayso kooxda Duulistu lagu kala nastay 3-0.

Markii layskugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta ayay noqotay mid sidii hore ka duwan oo kooxda Wakaaladdu ay dar-dar xoogan la soo gashay garoonka, laakiin markale kooxda Duulista ayaa sii dheeraysatay hogaanka ciyaarta ka dib markii goolkii 4-aad uu u dhaliyey Maxamed Carab, waxaana aakhirkii ciyaarta gool ku soo gunnaanday Yaasiin oo weerarka uga ciyaarayay kooxda Xiddigaha Cirka kaas oo ahaa goolkii 5-aad.

Ugu dambayntii ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 5:0 ay kooxda Duulista iyo Hawadu ku gaadhay guul weyn, waxaana guushani ay u sahashay inay si dhib yar ku hanato koobkii lagu daah-furayay Terminalka cusub ee garoonka diyaaradaha Berbera.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Duulista Cumar Cabdilaahi Aadan (Cumar-Sayid) oo kulankan ka soo qeyb-galay ayaa kooxdiisa ku hambalyeeyay guusha ay gaadheen iyo sidoo kale ciyaarta quruxda badan ee ay soo bandhigeen.

Dhanka kale guddoomiyaha kooxda Xiddiga Cirka Cumar Cabdi Aadan (Henry) ayaa isna dhankiisa ciyaartoyda kooxdiisa ku amaanay bandhigoodi fiicnaa ee ay soo bandhigeen, waxaana uu hoosta ka xariiqay inuu markasta ku kalsoon yahay macalimiinta iyo ciyaartoydiisa halka uu ku boggaadiyey wasiirka iyo agaasimaha sida ay markasta ugu heelan yihiin horumarka iyo dar-dar gelinta kooxda.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Inter Milan Oo Cashar u Dhigtay Cagliari Horyaalka Yurubna Boos Ka Raadinaysa

Wasaaradda Ciyaaraha Somaliland Oo Sii Sagootisay Laba Orod Yahan Oo Ka Qayb Gelaya Tartan ka dhacaya Jabuuti

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com