Kooxda Macag U Yaalka Noqotay Ee Arsenal Oo Lix Lagaga Badiyey Iyo Chelsea Oo Guuldaro Ku Calaamadaysay Kulankii 1000-aad Ee Wenger

kulankii GuudKooxda Chelsea ayaa astaan uga dhigtay guuldaro 6-0 ah oo ay baday Arsenal , kulankii kumaad (1000-aad) ee hogaamiye Arsene Wenger.

Waxay ahayd bishii ina dhaaftay markii tababare Jose Mourinho ku sifeeyey Wenger ‘khabiirka guuldarada’, taasna waxaa rumeeyey guuldaradan oo noqonaysa isku daygii 11aad ee uu guuldaro kala Wenger isagoo ka horyimid koox uu hogaaminayo Mourinho.

Duqa Faransiiska ah ayaa indhihiisa ku arkayay waxbana ka qaban kari waayay 3 dii daqiiqo ee ugu horeeyey oo 2 gool ka dhalanayaan kooxda uu horjoogaha u yahay ee Gunners.

Arsenal oo Niyad JabsanSamuel Eto’o iyo Schurrle ayaa bilowgii qaybtii hore ee ciyaartaba guusha u gacan galliyey Chelsea kadib markii ay laba gool dhaliyeen siidhigii furitaanka saddex daqiiqo uun kadib.

in kastoo casaan laga siiyey mid kamid ah ciyaaryahanada kooxda Arsenal , hadana lama odhan karo , dhacdadaas ayaa ahayd mida keentay in guuldarada laxaadka leh loo xambaariyo Arsenal.

Chamberlain Oo Gacanta Kaga Saaraya Kubad GoolkaCiyaaryahanka Kieran Gibbs ayaa calaamada casaanka ah loo taagay, garoonkana sidaas kaga baxay , rigoodhihii la dhigayna waxaa gool u bedelay Hazard oo guusha laba gool oo muhiim ah kulahaa.

weeraryahanka Brazilian ka ah ee Oscar ayaa isna laba gool raaciyey , waxaana goolka u dambeeya ee Lixaad ku khatimay ciyaaryahanka ay dhawaan soo iibsatay ee asalkiisu Masriga yahay ee Maxamed Saalax.

Maxamed Saalax oo Sujuud Ugu Dabaal Degaya Goolkii 6 aad

Maxamed Saalax oo Sujuud Ugu Dabaal Degaya Goolkii 6 aad

Dhacdada muhiimka ah ee mudan in la xuso ayaan ahayn kaliya guuldaradani inay ahayd kulankii 1000 aad ee Tababare Wenger balse waxa xusuusin mudan in Kulankiisii 500 aadna ay ahayd Chelsea kooxdii ka guulaysatay sanadkii2006 dii.

Cadalool.com | Hargeisa

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Sir Culus : Jadwalkii Maanta Ee Isku Aadka Champions League Oo La Sii Hayay 3 Cisho Ka Hor

Wenger Oo Ku Tilmaamay Guuldaradii Chelsea Midii Ugu Xumayd Ee Uu La Kulmo Abid

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com