3:05 am - Sunday June 25, 2017

Kooxda Man.City Oo daboolka ka qaaday xilli uu garoomadda ku soo laaban doono David Silva

Khadar Dirir

Kooxda Manchester City ayaa heshay warka ah waqtiga uu garoomada dib ugu soo laaban doono xiddigeeda David Silva, waxaana loo sheegay in Silva uu dib ugu soo laabanayo garoomada ka hor dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Xiddiga reer Spain ayaa sariir looga qaaday garoonka inta lagu guda jiray kulankii Isniintii oo 3-1 ay kooxdiisa City uga adkaatay West Bromwich Albion, kaddib dhaawac ka soo gaadhay muruqa , waxaana jiray in Manuel Pellegrini uu rumeysnaa in 28-sanno jirkan aanu  ciyaari karin inta ka hadhsan xilli ciyaareedkan Premier League.

Si kastaba, tijaabooyin lagu sameeyey dhaawac Silva ayaa lagu ogaaday in dhaawiciisa aanu ahayn sidii loo filayey, sida uu daabacay wargeyska The Guardian. Silva ayaa dib ugu soo laabana garoomada laba toddobaad  kaddib, waxaana suurtagal ah inuu ciyaaro, kulanka ay ka hortagayaan Aston Villa 7 bisha May, haddii uu dhaawiciisu sii dheeradana waxa uu diyaar noqon doonaa kulanka ugu dambeeya xilli ciyaareedka ee ay wajahayaan West Ham United.

Manchester City ayaa haatan lix dhibcood ka dambeysa kooxda hoggaaminaysa Premier League ee Liverpool inkastoo ay gacan ku haysato hal kulan oo baaqi u ah.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Filed in

Jose Mourinho Oo qaar badan oo ka tirsan Xiddigihiisa nasin  doona kulanka Liverpool

FA Oo Ganaaxday Mourinho, Ramires Iyo Rui Faria

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: