Kooxda Manchester United Oo ka faa’idaysanay ganaaxii la dul-dhigay Barcelona, Ishana la raacaysa helitaankaIlkay-Gundogan

Kadib markii ay soo baxday in kooxda kubadda cagta ee Barcelona muddo 14-bilood ah wax dhaq-dhaqaaq ah ka samayn karin suuqa kala iibsiga ciyaartoyda qaarada Yurub, ayaa waxaa taasi faa’iido badan u noqonaysaa kooxo kale oo ay isku haysteen xiddigo ay macquul tahay in laga dulqaado kooxda.

Warar maanta  soo baxayay ayaa sheegaya in kooxda kooxda Manchester United isku dayi doonaan kal-salaan Ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Borussia Dortmund Elkaa Gundogan ,ayna ka faa’iidaysanaysa Go’aankii FIFA iyada oo qiimo macquul ah u joogta kooxda reer jarmal. Wargeyska Daily Star ayaa daabacay in kooxdan ay si rasmi ah dalab ugu gudbisay dhiggeeda iyada oo rabta in ay qaadato ka hor koobka adduunka waayo waxaa laga yaabaa in kooxda Barcelona ay racfaan ka qaadato ganaaxii la dul-dhigay ayna u soo jeesato damaceeda wiilkan asal ahaan ka soo jeeda dalka Turky.