1:32 pm - Wednesday June 28, 2017

Kooxda Meehanaabaysa Ee AC Milan Oo soo bandhigtay Mashruuc ballaadhan

Aidarous

milan490aiAC Milan ayaa daboolka ka qaaday hirgelinta mashruuc hami wayn leh oo ku salaysan dhismaha saldhig ama xarun cusub oo ay kooxdu leedahay.

Xarunta cusub ee Rossoneri ayaa yeelan doonta shaybaadh, meel tigidhada laga goosto, shaashad aad u wayn oo wax laga daawado, Tukaamo wax laga iibsado, makhaayad wayn, iyo dabcan xafiisyadii oo ay ku jiraan kuwa guddiga fulintu “Aniga Milan way igala wayn yahay urur yar, balse waxay iila mid tahay sidii qoys oo kale.” ayay tidhi gudoomiye xigeenka fulinta Barbara Berlusconi oo shir jaraa’id ka hadlaysay waxayna intaasi sii raacisay hadalkeedii “Waxaan u baahanahay saldhug aan ciyaareheenna ku daawan karno, iyo meel sidoo kale noo noqon karta rugtii kulanka, magaalada Milano iyo adduunka ahaanba, waana ka xunnahay inaanu ka soo guurnay Via Turati, balse meeshaasi naguma filayn.”

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Filed in

Qoyska Berlusconi Oo Iftiimiyey inay iska iibiyaan qayb ka mid ah Saamiga kooxda AC Milan

Honda: “Dhaliishu ima farxad galiso balse……”

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: