1:22 pm - Saturday June 24, 2017

Kooxda Real Madrid Oo war wanaagsan ka heshay Soo laabashadda Sergio Ramos

Khadar Dirir

Kooxda Real Madrid ayaa  fariin wanaagsan uga timi difaacooda Sergio Ramos, kadib markii la sheegay inuu  taam u noqon doono difaacan birta ah kulanka kama dambeysta ah ee Copa del Rey oo ay kooxdiisa Real Madrid la ciyaari doonto kooxda xafiilka weyn ka  dhexeeyo ee Barcelona Arbacada soo socota.

Laacibkan heerka caalami ee xulka qaranka Spain ayaa ku seegay dhaawac kasoo gaaray qoorta (luqunta) kulankii 4-0 Real Madrid ka adkaatay toddobaadkan  kooxda Almeria, iyadoo shaki weyn la gelinayay inuu ciyaari doono final-ka Copa del Rey oo Arbacada soo aaadan ka dhici doono garoonka Mestalla Stadium.

Sidoo kale Iker Casillas ayaa kusoo laaban doono kooxdiisa Los Blancos si uu qeyb uga noqda ciyaartooyda ka qeyb galeysa kulankaas adag, laakiin Real Madrid ayaa muddo dheer weyn doonta xiddigaha kala ah Marcelo iyo Sami Khedira, iyadoo bartilmaameed ka dhigaaneysa inay ku guuleysato markeedii 19-aad koobkan. Kulankan ayaa habeenka Arbacada saacadda geeska Africa markii ay tahay 10:30 pm wuxuu ka dhici doono garoonka ay ku ciyaarto kooxda Valencia ee Mestalla Stadium.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Filed in

Goolkii Raheem Sterlin uu Ka Dhaliyey City

Muxuu Martin Demichelis ka Yidhi rejada Man. City ka qabto ku guuleysiga Horyaalka

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: