Kooxda Tottenham Hotspur Oo dooneysa Weeraryahanka Man. United Danny Welbeck

Tottenham Hotspur ayaa la soo warinayaa inay xiddigaha ay xagaagan suuqa ka dooneyso ku darsatay weeraryahanka kooxda Manchester United Danny Welbeck. Spurs ayaa suuqa ka dooneysa weeraryahan garanaya Premier League, waxaana la rumeysan yahay inay 23-sanno jirkan ka kaxaysan karto garoonka Old Trafford.

Welbeck ayaa heshiiskiisa waxaa uga hadhsan laba sanno, Spurs ayaa rumeysan inay £20m ku heli karto xiddiga reer England, taasina ay ku filnaan doonto United, sida ay daabacday The Mirror. Weeraryahan Welbeck ayaa sagaal gool oo Premier League u dhaliyey Red Devils xagaagan.