Kooxda kubadda cagta reer Brazil ee Chapecoense oo bishii hore ku madhatay shil diyaaradeed oo ka dhacay duleedka caasimadda waddanka Colombia, ayaa la siiyey koobka Copa Sudamericana, kaddib markii kooxdii ay ciyaarta finalka wada ciyaari lahaayeen ka tanaasushay.

Madaxweynaha kooxda Plinio Daved de Nes Filho oo la magacaabay markii ay qoladii hore madheen, ayaa koobka gacantiisa ku guddoomay xaflad lagu samaynayey isku-aadka Copa Libertadores ee sannadka 2017, kaas oo ah tartanka Champions League u dhigma ee qaaradda Koonfurta Amerika.

Kooxda reer Brazil ayaa ku shuf beeshay diyaarad November 28 ku dhacday duleedka caasimadda Medellin ee Colombia, waxaana ku dhintay dad tiradoodu kor u dhaafaysay 70 oo u badnaa ciyaartoyga iyo maamulka kooxda Chapecoense.