3:16 pm - Tuesday January 20, 3942

Kooxdii Ugu Dambeysay Ee Ingiriis Ah Oo Si Xun Uga Hadhay Horyaalada Yurub

371 Viewed Aidarous Comments Off on Kooxdii Ugu Dambeysay Ee Ingiriis Ah Oo Si Xun Uga Hadhay Horyaalada Yurub

20 Sanadood Ka Badan Oo Markii 1-aad Ay Dhamaan Kooxihii England Ku Hadheen Wareega 16-ka Horyaalada YurubEverton out of Europa League 20 yrs

Kooxdii ugu dambeysay ee Ingiriis ah ee ku baaqiga ahayd ama ku hadhsanayd horyaalada naadiyada Yurub ayaa daaqada Laga Tuurey kadib markii kooxda Everton oo marti u ahayd Dynamo Kiev 5-2 gosha loo gelliyey.

Todobaad kaliya gudihii ayaa Champions League laga reebay kooxaha Manchester City iyo Arsenal, kooxda liic liicaysay ee Everton oo la filayay inay kali ku sii ahaan doonto horyaal Yurub ahna, ciyaartii ay ugu rajada badnayd ee ay caasimada wadanka Ukrian ee Keiv Martida ku ahayd ayay ku guul daraysatay celcelis goolal ah oo dhan 6-4.Everton out of Europa League 5

Romelu Lukaku gool uu dhaliyey ayuu ku beeniyey kubadii uu Andriy Yarmolenko kooxdiisa hogaanka ugu dhiibay.
Laakiin Lukasz Teodorczyk, Miguel Veloso, Oleg Gusev iyo Antunes ayaa goolal is daba yaac ah shabaqa Everton ku asqeeyey, ka hor intii aanu rajada u soo celinin Phil Jagielka.

Dhirbaaxadan laxaadka leh ee ku dhacday Everton ee sii kordhinaysa mugdiga iyo masiibada bil kooxaha Ingiriiska oo dhan laga xaaqay saaxada kubada cagta Yurub iyadoo Chelsea, Liverpool iyo Tottenham laftooduna ahaayeen kooxaha la reebay bishaas dhexdeeda.

Guuldarooyinkan ku habsaday naadiyadii England-na waxay noqonaysaa markii ugu horeysay ee aanu Ingiriisku koox ku lahayn ama aanay koox Ingiriis ahi kamid ahayn naadiyada isugu soo hadhay wareega 16 ka ee tartamada Europa League iyo Champions League labadaba tan iyo sanadkii 1995 kii.Everton out of Europa League 4 Everton out of Europa League 3 Everton out of Europa League 2 Everton out of Europa League 1

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

WORLD Cup: Wakhtigii la qaban jiray Koobka Adduunka Oo La Beddelay

Fiorentina Oo Sida Dhibica Roobka Ugu Da’day Roma Una Rajo Tirtay

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com