Kroos Oo Si Kulul U Canaantay warbaahinta Spain

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Real Madrid ee Toni Kroos ayaa ku eedeeyey warbaahinta dalka Spain in ay si xun wax uga sheegaan qaab-ciyaareedka kooxdiisa, isla markaana ay ka bixiyaan sawir aan fiicnayn.

Real Madrid ayaa sannadkan 2015 waxa uu ugu bilaabmay jewi aan fiicnayn, iyagoo iska khasaariyey dhibco badan oo ay ka horreeyeen kooxda Barcelona, isla markaana kulankii u dambeeyey ee Clasico lagu garaacay 2-1, taas oo sababtay in 4 dhibcood ay ka dambayso kooxda hoggaanka haysa ee Barcelona.

Madrid waxa kale oo ay ku sigatay in ay ka hadho tartanka Champions League markii ay iska hor yimaaddeen Schalke lugtii labaad ee wareegga 16-ka, taas oo garoonka Bernabeu dhexdiisa lagu bahdilay, isla markaana nasiibku ka caawiyey in ay ku sii sugnaadaan Champions League.

Haddaba, Kroos ayaa aaminsan in mushkiladaha haysta kooxdiisa ay qayb ka mid ah tahay saxaafaddu.

“Kuwa i yaqaanaa way garanayaan in aanan ahayn calan ay dabayshu marba dhinac u kaxayso, sida ay mararka qaarkood sameeyaan saxaafadda Spain. Marka aad ciyaar guuleysato wax kastaaba way fiican yihiin, marka aad guul-darraysatana wax walba way kaa soo horjeedaan.” Sidaas ayuu yidhi Kroos oo dhalleecaynayey warbaahinta Spain.

Kroos oo ka maqnaa ciyaartii xulka qarankiisa Germany barbar dhaca 2-2 la galay Australia oo ahayd mid saaxiibtinimo ayaa la filayaa in uu ciyaaro kulanka is-reeb-reebka EURO 2016 ee caawa dhex mari doona Gerogia.

Kroos waxa uu tilmaamay in uu sannadkan ciyaaray kulamo badan, isla markaana uu u baahnaa nasasho, daalna uu dareemay, sidaas daraadeedna uu u fadhiyey ciyaartii Australia.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Portugal Oo Xaqiijisay In Uu Dhaawacmay Difaacyahanka Pepe

Benzema: Waan Ku Guuleysan Karaa Xiddiga Adduunka

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com